U bood dhigaalka

Wasaaradda Cadaaladda Iyo Arimaha Diinta Ee Maamulka Puntland Oo Fariin Nabadeed u Dirtay Dhinacyada Ku Dagaalamaya Karkaar (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Puntland okWasaaradda Cadaaladda iyo Arimaha diinta ee Maamulka Puntland ayaa baaq nabadeed u dirtay beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaano ka mid ah gobalka Karkaar.

Wasiirka wasaaradaas Ismaaciil Maxamed Warsame oo ka hadlayay magaalada Garoowe ayaa soo hadal qaaday dagaal beeleedyo ka dhacay deegaanno katirsan gobolada Sool iyo Karkaar iyo arrimo kale.

Wasiirka wuxuu u jeediyay beelaha ku dagaalamaya deegaanadaasi inay joojiyaan colaadda oo ay nabadda qaataan.

Maamulka Puntland ayuu sheegay wasiir Ismaaciil Warsame in ay ka qeyb qaadanayso joojinta iyo nabadeynta deegaanada gobalada Sool iyo Karkaar oo ay colaaduhu ka jiraan.

Shacabka ayuu ugu baaqay sidoo kale inay ka soo muuqdaan kaalintooda ku aadan in laga gudbo muranka beelahan walaalaha ah u dhaxeeya.

“Odayaasha dhaqanka kaalin ayaa ka saaran in ay damiyaan xiisadahaan jira, anagane garabkooda ayaan nahay, wax walba oo odayaasha keenaan oo dhanka nabadda ah maxkamada Darajada Koowaad ayaa laga diiwaan gelinayaa” ayuu yiri Wasiirka

Deegaano ka mid ah gobalkada Karkaar iyo Sool waxaa ka socda dagaalo beeleed u dhaxeeya beelo walaalo ah oo halkaasi wada dega, waxaana dagaaladaasi ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News