U bood dhigaalka

Wasaaradda Cayaaraha Oo shaacisay Xilliga Uu Bilaabanayo Tartanka Maamul Goboleedyada Iyo Gobolka Banaadir

Sheeko:Cayaaraha

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhallinyarada Soomaaliya ayaa loo diray dhamaan Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee ka qeyb galaya tartanka Maamul Goboleedyada 2020,waxaan qoraalka lagu sheegay in la ilaaliya nidaamka iyo habsami u socodka tartanka.

Wasiirka Ciyaaraha iyo dhallinyarada Soomaaliya mudane Xamse Saciid Xamse iyo madaxda kale ee Wasaarada ayaa labadii bil ee la soo dhaafay sameeyay is badal weyn,iyagoo sanadkan tartanka ku soo kordhiyay Kubbadda Kolayga,Ciyaaraha Fudud,walow labadii sanii hore 2016,2017 uu tartanka ahaa kubbadda cagta oo kaliya,waxaana talabaadan soo dhaweeyay bahda ciyaaraha Soomaaliya.

25-December 2020 ilaa 15-Janaayo 2021 ayay Wasaarada Ciyaaraha u qorsheeysay in tartanka Mammul Goboleedyada uu ku qabsoomo caasimada Muqdisho,waxaana iminka socda abaabulka iyo u diyaar garowka tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.

Sidoo Kale Aqriso Wasiir Xamse Oo Dalbaday Wada Shaqeyn

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/wasiir-xamse-waxaan-u-baahanahay-wada-shaqeyn/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle