U bood dhigaalka

Wasaaradda Ciyaaraha & Dhalinyarada Galmudug Ayaa Kulan U Mahadcelin Ah U Samaysay Ciyaartooyda Iyo Macallimiinta Galmudug

Sheeko:Cayaaraha

Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Galmudug ayaa kula  mahadcelin u samaysay  ciyaartooyda iyo Macallimiinta kooxda Galmudug ee kaalinta labaad ka galay tartanka kubbadda Cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Galmudug Xasan Axmed Shire ayaa u mahadceliyay madaxda Wasaaradda Ciyaaraha doorka ay ka qaateen garab istaaga kooxda Galmudug,isagoo sheegay in ay ka go’antahay horomarinta iyo guulaha kooxda kubbadda cagta Galmudug.

Wasiirka Ciyaaraha Iyo Dhallinyarada Galmudug Mudane Xuseen Cabdulle Xasan ayaa u mahad celiyay madaxda iyo shacabka reer Galmuudg dhiirigelinta iyo garab istaaga ay 2020 u muujiyeen ciyaartooyda iyo macallimiinta Galmudug ee kaalinta labaad ee ka galay tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Galmudug mudane Cabdullahi Xersi Maxamed ayaa sheegay in aad ugu faraxsanahay wax qabadka wanaagsan ay soo bandhigeyn ciyaartooyda Galmudug,isagoo kooxda Galmudug u sheegay in Dowladda Galmudug ay waqti ku bixinayso horomarka iyo guulaha kooxda kubbadda cagta Galmudug ee kaalinta labaad ka gashay tartanka Maamul Goboleedyada 2020.

Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankii Loo Sameeyay Kooxda Galmudug

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle