U bood dhigaalka

Wasaaradda Ciyaaraha Puntland Oo Hormarinaysa Garsoorayaasha Kubabdda Cagta

Sheeko:Cayaaraha

Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Mudane Jaamac Faarax Muuse oo uu weheliyo agaasimaha guud Axmed Cabdalla Tigaana ayaa kulan la qaatay  Macalimiinta tababaraayaasha iyo Garsoorayaasha kubbadda cagta Puntland.

Kulan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa waxaa goob joog ahaa Gudoomiye ku xigeenka xiriirka kuubada Cagta Soomaaliyaa Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed iyo Madaxda xiriirka Kubbadda Cagta Puntland, Macalimiin iyo Garsoorayaal.

Kulankan ayaa looga hadlay sida ugu haboon ee loo tababari karo Garsoorayaasha Puntland looguna samayn lahaa  aqoon kororsi iyo siday ula mid noqon lahaayeen Garsoorayaasha Caalamka ee FIFA.

Ugu danbayntii Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Jaamac Faarax  ayaa kula dardaarmay macalimiinta,tababaraayaasha iyo Garsoorayaasha ayaa sheegay in loo baahanyahay in laga  faa’iideesto aqoontooda iyo waaya aragnimadooda Garsooranimo heerka caalami ee Soomaaliya.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle