U bood dhigaalka

Wasaaradda Ciyaaraha: UNDP Nama Siin Qarash Lagu Maalgeliyey Tartanka Ciyaaraha Ee Maamul Goboleedyada

Sheeko:Dalka

Xirfadda Kubadda Cagta ayaa ka mid ah mihnadaha laga helo Qiimo lacageed, iyadoo shaqooyin loogu abuuro dadka ciyaara ama maamula sida cayaartooyda, macallimiinta Milkiilayaasha Kooxaha, Madaxda xiriirada iyo dadka daawada kuwaas oo ku bixiya lacago, waxaa sidoo kale mashaariic malaayiin doolar ah ku bixiya hay’ado caalami ah si xirfaddu u noqoto mid abuurta isdhexgal bulshada iyo nabadda waana ganacsi dakhli badan soo xareeya mar kasta oo la qabto dhacdo ciyaareed.

Qaarada yurub waxaa bil ka hor ka dhacay ciyaarihii EURO 2016 , waxaana Xiriirka kubadda cagta qaaradda Yurub ( Uefa) ee soo agaasimay tartankaas markii uu idlaaday ayey soo saareen warbixin lagu qiimeenayey dhaqalaha uu soo xareeyey loolankaas, oo 34 boqolkiiba ka badnaa sanado ka hor intii laga heli jiray, waxaa sidoo kale ay soo bandhigeen sida sanadkan daqliga macaashka ah ay dalalkii ka qeyb galeen yurub u kala heleen.

Qarash dhan €301m oo lacagta Euro ah ayaa loo qeybiyay 24-dal ee tartanka ka soo qeyb galay , waxayna u kala heleen inta u dhaxaysa €5m ilaa iyo €8 million, oo ay u dheer tahay abaal marino kale oo ku xiran qaab cayaareedkooda waana mid koox walba oo agaasinta tartan ay ku maareeyaan lacagta loogu talagalay ololahaas inta uu socdo.

Caasimadda dalka markii ugu horreeysay waxaa ka qabsoomay tartan maamul goboleedka dalku u kala qeybsamay oo ay ka qeyb galayaan , barisamaadkii waxaa baratami jiray 18 gobol oo uu dalka xilligaas iyo haddaba uu ka kooban yahay laakiin hadda wuu ka badalan yahay sidii hore loogu yaqaanay oo waxaa la isugu keenay maamul gobolleedyo ay ku jiraan wax ka badan gobol taas oo xul ahaan mideyneysa.

15-kii bishan ayey ahayd markii gegida Banaadir (EX koonis) uu ka bilawday Tartan kubadda cagta ah oo u dhaxeeya maamul gobolleedyada dalka xulal kala matalaya kana kooban lix koox , waxaana abaabulka tartankaan iska leh Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha, maamulka gobolka banaadir oo taageero dhanka isku dubaridka ah ka helaya xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, waxaana jira warar sheegaya in hay’dda qaramada midoobay u qaabilsan barnaamijyada horumarinta ee UNDP, bixisay dhaqaalaha ku baxaya tartankan iyadoo u marsiisay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya waxaana bar bar socday taas dood iyo eedeymo loo jeedinayo habka loo maray maareynta lacagahaas.

Haddaba Su’aasha jawaabta u baahan waxa ay tahay ma jiraan lacago laga soo qaaday hay’adaha deeqaha bixiya sida UNDP , hadana aan lagu bixin meeshii loogu tala galay?

“Waxaas ma jiraan, waana warar ku tiri kuteen ah , mahayo wasaarad duna mana oga in hay’ada UNDP ay siisay lacag oo ay arrimahaan ugu talagashay ciyaaraha gobollada , mana jirto” Sidaasi waxaa Goobjoog u sheegay Daahir Cabdulaahi Go oo ah agaasimaha wasaaradda ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa dhinaca kale aanu xiriiro la sameynay Maamulka gobolka banaadir oo leh marti galinta iyo soo dhaweynta maamul gobolleedyada, hayeeshee nooma suura gelin inaan helno si aan wax badan uga ogaano xogta ku aaddan inay jirto lacagahaasi iyo sida loo maareeyey.

Waxaa iyana meesha ku jira xiriirka kubadda cagta oo leh farsamada, isku dubaridka iyo sharciyada tartanka waxayna noo sheegeen inaysan ogeyn lacagta rasmiga ah ee lagu maalgaliyey tartanka , iyo qiimaha koox kasta oo ka qeyb gashay tartankan ay qaadaneyso , hase yeeshee ay jiraan abaal marin la siin doono kooxdii qaadda tartanka.

Waa kan Xoghaya guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Xasan Farey oo ka hadlaya.

“Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta howshaan waxa uu ku leeyahay oo keliya xagga farsamada, wax kale oo hadda haba yaraatee uu ku leeyahay malahan inaan u diyaarinay maahee xagga farsamada , garoonkii, garsoorkii , intaas ayaan xaq u leenahay inaan u diyaarino, waana u diyaarinay , mar kale xiriirka Soomaaliya waxa uu ogyahay keliya in koob la siinaayo iyo bilado kooxdii guuleysata, wixii dhaqaalo iyo lacag ah haddii ay jiraana wasaaradda ciyaaraha ayaa la weydiinayaa arrintaas”

Tartanka maamul gobolleedyada ee ka soconaya Muqdisho ayaa la soo gaba gabeyn doonaa manta , iyadoo aan weli si buuxda loo ogeyn tirada lacagta ay xuquuqda u leeyihiin dhammaan lixdii koox ee ka qeyb galay, iyo waxa ay lacag ahaan u heli doonto kooxdii ku guuleysata koobka tartankan , kooxaha Jubaland iyo Puntland oo ciyaaraya finalka, waxaana sidoo kale bar bar socda in tartanka ciyaartiisa ay u daawasho tegi jireen maalin kasta kumanaan kun oo dad ah , kuwaas oo bixinayey qiimo dhan 20 –kun oo sh.Soomaali ah taas oo wasaaradda ciyaaraha dowladda Soomaaliya ay maamuleysay.

Warbixinta oo maqal ah halkaan ka dhageyso (Riix)

W/Q: Maxamed Bishaar Barre Jaamac