U bood dhigaalka

Wasaaradda Dastuurka Oo Ka Warbixisay Ulajeedka Shirkii Dastuurka Ee Shalay Ka Furmay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen oo u waramay Goobjoog News, ayaa ka hadlay muhiimadda shir shalay magaalada Muqdisho ka furmay, kaasi oo lagu eegayay Dastuurka ayna ka qeybgaleen wasiirro ka socday maamul gobaleedyada dalka ka jira.

Waxa uu sheegay Wasiirka in shirkaan uu ahaa mid taariikhi ah markii ugu horeysay oo Dastuurka laga hadlayo ay isku yimaadaan wasirada maamul gobaleedyada iyo sidoo kale wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya.

Uljeedka arrintaan laga leeyahay ayuu ku sheegay in ay tahay in la’isla jaan qaado maadaama Dastuurka Soomaalida oo dhan uu ka dhaxeeyo, islamarkaana dib u eegis loo gelin lahaa Dastuurka, iyo in la’isla arko qorshaha la doonayo in lasoo bandhigo.

Waxa uu sheegay in war-murtiyeedka kasoo baxa shirkaan, iyo sidoo kale war-murtiyeedkii hore ee shir looga hadlay Dastuurka la’isku geyn doono, ka dibna qeyb uu ka noqon doonto arrinta ku aadan wadatashiga iyo talo ka bixinta Dastuurka.

“Waxaa naga go’an in bisha March 2016-ka uu Baarlamaanka ansixiyo dib u eegista lagu sameeyay Dastuurka, sidoo kalena waxaan sii xoojineynaa wacyigelinta dadweynaha” ayuu yiri wasiirka.

Dhinaca kale wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in qaar ka mid ah dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya ay gacan ka geystaan dhanka dhaqaalaha ee ku aadan arrimaha Dastuurka.

Magaalada Muqdisho shalay waxaa ka furmay shir looga hadlayo arrimaha Dastuurka oo ay ka qeybgaleen wasiirada Dastuurka ee maamul gobaleedyada dalka ka jira, waxaana shirkaan soo qaban qaabisay Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya.

Goobjoog News