U bood dhigaalka

Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo sheegtay in diiradda ay saarayso shaqo abuurka iyo waxbrashada dhalinyarada (Dhageyso)

Sheeko:Cayaaraha

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay wado qorshayaal badan oo la xiriira dhanka dhalinyarada, kuwaa oo ay ka mid yihiin abuurka shaqo iyo sidoo kale waxbarashada dhalinyarada.

Wasiirka wasaaradaasi Khaalid Cumar Cali oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in mudadii uu xilaka haayay ay u suurta gashay qabashada waxyaabo badan oo muhiim u ah dhalinyarada.

Dhalinyarada ayuu sheegay hadii ay shaqo helaan in ay ku jirto faa’ido badan, sida in dhaqaalaha dalka uu kordho, nabadda in la helo, iyo arimo kale.

Ugu dambeen wasiir Khaalid ayaa sheegay in sanadka soo socda ee 2015, ay qorsheenayaan in ay sameeyaan in ka badan 50,000 (Kontan Kun) oo shaqo abuur ah, ayna diyaariyeen cidii ka taageeri lahayd taasi.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga.

Goobjoog News