U bood dhigaalka

Wasaaradda Dhallinyarada Oo Dib u Howlgelineysa Kooxdii Fanaaniinta Ee Danan

Sheeko:Amniga

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Barre Maxamuud, ayaa kulan la qaatay kooxdii fannaaniinta Danan si ay uga tashadaan dib u hawl-gelinta kooxdan oo hoos imaan jirtay Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Kooxdan dhallinyarada fannaaniinta ah iyo abwaankooda Xirsi Dhuux oo haddaba qayb ka ah wacyigelinta bulshada ayaa ku hawlgalayay magaca Hiddo waxaana hadda qorshuhu yahay in ay qaataan magacii rasmiga ahaa ee Danan, kaas oo horay ay u lahaan jirtay kooxda, ka hor magaca Hiddo.

Wasiirka wasaaradda dhallinyada Maxamed Barre Maxamuud, ayaa kooxda uga waramay qorshaha Wasaaradda ee jiheynta dhallinyarada Soomaaliyeed oo wacyigelintu qeybta ugu muhiimsan tahay, wuxuuna kula dardaarmay inay qeyb ka noqdaan dadaalka ay Wasaaraddu wado.

Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ayaa wada qorshe la doonayo in lagu kobciyo wacyiga dhalinyarada Soomaaliyeed si looga wacyi-geliyo fakarada qaldan, kuwaas oo dhallinta looga faaiideysto in ay galaan falal, danbiyada abaabulan ee ciyaalka xaafaduhu ku kacaan, tahriibka iyo wixii la halmaala.

Goobjoog News