U bood dhigaalka

Wasaaradda Dhallinyarada Oo Ka Walaacsan Shaqo La’aanta Haysa Dhallinyarada Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay shaqo la’aanta haysan dhallinyarada Soomaaliyeed qaarkood, iyadoo la doonayo in dhallinta ay kaalin ka qaadato horumarka dalka.

Wasiirka wasaaradaasi Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux ayaa sheegay in wasaaradda ay aad u dhibeyso shaqo la’aanta haysan dhallinyarada Soomaaliyeed, ayna ku dadaalayaan sidii arrintaasi wax looga qaban lahaan.

“Xanuun badan ayay nagu haysaa shaqo la’aanta dhallinyarada xarumaha waxbarashada waxa ay soo saaraan dhallinyaro aqoon leh kuwaas oo u baahan in ay helan shaqooyin wanaagsan, ka wasaarad ahaan shaqo abuurka dhallinyarada waxa ay noo tahay ahmiyadda koowaad” Ayuu yiri Wasiirka

Wasiir Nuux ayaa sidoo kale sheegay in wasaaradda ay juhdi badan geliso shaqo abuurka dhallinyarada, waxaana dhawaan uu sheegay in ay tababar la xiriira xirfadda gacanta ah ay siiyeen 20 dhallinyaro ah, kuwaasi oo la siiyay sidoo kale qalab ay ku shaqeystaan.

“Wasaaraddu si shaqo loo helo waxa ay diyaarisay 20 Dhallinyaro kuwaas oo labaray xirfadda gacanta si shaqadooda ay u horumariyaan Wasaaraddu waxa ay siisay qalab ay ku fuliyaan shaqadaas arrintaasna wasaaraddu way kuguulaysatay” Ayuu yiri Markale Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa dalka ku sugan dhallinyaro badan oo wax soo bartay, balse weli aanay helin shaqooyin ay noloshooda ku maareeyaan, waana midda keentay in dhallin badan ay dalka ka tahriibaan, bedalkii la sugayay in dhallinyarada ay dalka dib u dhiskiisa ka qeybqaataan.

Goobjoog News