U bood dhigaalka

Wasaaradda Difaaca Kenya Oo Sheegtay In Ciidamadeeda Aysan Kala Baxayn Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowlada Kenya ayaa sheegtay  in marnaba Ciidamadeeda ka saari doonin  Soomaaliya, kuwaasi oo qaab nabad ilaalin ah u jooga.

Xoghayaha gaashaandhiga Kenya Rijel Umamo ayaa sheegtay in ciidamada Kenya ay Soomaaliya ku joogaan si waafaqsan sharuucda kale ee Ciidamada AMISOM ee dalalka Afrika.

‘’Kenya waxay qeyb ka tahay Amisom waxayna ku shaqeysaa shuruucda Amisom iyo weliba aragtida hawlgalka ciidamada Amisom, Soomaaliya iskama joogno waxaan halkaas u joognaa midowga Africa iyo beesha caalamka kuwaas oo taageeraya dadaalkeena ku aadan sidii loo dejin lahaa dalka Soomaaliya, waxaan is leeyahay xaaladaaan oo kale waxaa jira kara dhacdooyin siyaasiyiintu waxay yiraahdaan kan kaas iyo waxtaabo laakiin muhiimaddu waxay tahay inaan xoogga saarno xasiloonida dalka iyo inaan diiradda saarno dagaalkan wanaagsan ee hadda aan ka wadno Soomaaliya, waxaan sii ahaan doonnaa Amisom illaa Amisom ay ku guuleysato hadafkeeda” ayeey tiri Rijel Umamo

Kenya ayaa ciidamo badan waxay ka joogaan Soomaaliya, xilli haatan uu jiro muran xuduudeed, iyadoo siyaasiyiin Soomaaliyeed ay ku baaqeen in dalka laga saaro ciidanka Kenya.

Meelaha ciidamada Kenya ay dalka ka joogaan ayaa ka mid ah gobalada Jubada Hoose iyo Gedo.

Goobjoog News