U bood dhigaalka

Wasaaradda Diinta Oo Musuq Loo Xiray

Sheeko:Amniga

Xafiiska Hanti dhowrka guud ee qaranka ayaa albaabada isugu dhuftay wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, taas oo lagu eedeyay in lacago fara badan ay lunsadeen mas’uuliyiinteeda.

Wasaaradda ayaa sidoo kale lagu eedeeyay musuq fara badan oo wasaaradda ka dhex jira iyo lunsashada lacagaha fiisaha Xajka ee sanadkaan.

Xafiisyada hanti dhowrka  meelaha uu xiray waxaa kamid ah xafiiska  Wasiirka, Agaasimaha Guud, Waaxda Xajka iyo xafiiska Maamulka iyo Maaliydda.

Hanti dhowraha guud ee qaranka, ayaa bilaabay baaritaanno ku aaddan dhacdaada soo shaacbaxday, xilli baaris lagu hayo dhammaan mas’uuliyiinta xafiisyada aan kor ku soo sheegnay.

Afaafka hore ee wasaaradda iyo xafiisyadeeda ayaa lagu dhejiyay waraaqo muujinaya in aanan la furi karin, oo aanan la ogoleyn in la galo xafiisyada wasaaradda illa ammar laga helayo hanti dhowrka.

Dhinaca kale warar aan helnay ayaa sheegaya in khilaaf uu ka dhexjiro mas’uuliyiinta sar sare ee wasaaraddaas, kaas oo salka ku haayo sidii loo maamuli lahaa howlaha Xajka iyo mashaariic kale oo wasaaradda ay heshay.

Si kastaba dhawaan ayay ahayd markii wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ay shirkado yar ay u xirtay howlaha Xajka, xilli ay lacago fara badan sanadkaan ay ku soo dalacday muwaadiniinta doonaya in ay soo gutaan waajibaadka Xajka.

Goobjoog News