U bood dhigaalka

Wasaaradda Duulista Soomaaliya oo Soo Saartay Go’aan Ku Aadan Garoonka Aadan Cadde

Sheeko:Amniga

Qoraal kasoo baxay wasaaradda duulista hawada xukuumadda federalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu joojiyay in la dhisan karo dhulka danta guud, kaas uu leeyahay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, dhulkaan ayaa la sheegay inuu yahay mid ku yaalla gudaha iyo bannaanka Garoonka, kaas oo wasaaraddu sheegtay in ay kasoo gaartay dacwooyin badan.

Wasaaraddu waxaa ay sheegtay in ay dhismayaashaas ay garoonka ku keeni garaan amni darro dhanka duulinaadka ah oo diyaaradaha degaya iyo kuwa duulaya ay cariiri ku dareemaan, waxaana qoraalka kasoo baxay wasaaradda lagu dalbaday in gabi ahaan la joojiyo dhismayaasha laga wado gudaha iyo bannaanka garoonka iyo in laga fogeynayo dhismaha Terminal-ka.

Hadalka kasoo baxay wasaaradda duulista hawada xukuumadda federalka Soomaaliya ayaa waxaa uu ku soo aadayaa, iyadoo garoonka gudihiisa iyo bannaankiisa shakhsiyaad gaar ah ay ka wadaan dhismayaal, kuwaas oo wasaaraddu sheegtay in ay yihiin kuwa kusoo dhowaanaya Terminalka oo ay dalbatay in laga fogaado si aysan u dhicin amni darri dhanka duulimaadka.

                                                   Halkaan ka daalaco qoraalka wasaaradda 

No description available.

Goobjoog News