U bood dhigaalka

Wasaaradda Gaashaandhigga “Ciidamada Xoogga Dalka Iyo Kuwa Jubbaland Ma Dagaallamin”

Sheeko:Dalka

Wasaaradda gaashaandhiga ayaa qoraal kasoo baxa lagu sheegay in aanay jirin wax dagaal ah oo dhawaan magaalada Kismaayo ku dhexmaray ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland.

Qoraalka ayaa sidaan u qornaa:-

Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya ayaa beenisay warar ay  warbaahinta siiyeen saraakiil ka tirsan isla dowladda oo sheegayay inay wada dagaalameen ciidanka Jubba.

Sidaa aad wada ogsoon tihiin ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee saldhiga 43 aad ee magaalada  kismaayo waa ciidanka ugu horeeyey oo la isku dhafay kana kooban dhammaan degmooyinka gobalka Jubbadda hoose,Waxaa isku dhafkooda qeyb weyn ka qaatay madaxda DF Soomaaliya  iyo maamulka Jubbaland.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed iyo kuwa Jubbaland waxaa ka dhaxeeyo wada shaqayn iyo iskaashi aad u wanaagsan, waxeyna heegan u yihiin difaaca dalkooda iyo soo celinta amarka iyo kala dambeynta.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed , meel kasto oo ay ku sugan yihiin kuma lug yeelan karaan wax ka baxsan waajibaadkooda qaran, Sidaas darteed waxba kama jiraan wararka ay qoreen saxaafadda gudaha kaa soo sheegaya in bisha  Oktoobar labadeeda  2015 uu dagaal dhax maray ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidanka maamulka jubbaland.

Waxaan u mahad celineynaa madaxda iyo maamulka Jubbaland wada shaqeeynta joogtada ah ee ay la leeyihiin ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Goobjoog News