U bood dhigaalka

Wasaaradda Gaashaandhigga oo Hadashay Howlgallada Ka Socda Gobolka Hiiraan

Sheeko:Amniga

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray wuxuu ku boggaadiyay howlgallada ciidamada  xoogga dalka ay kawadaan gobolka Hiiraan, kaas oo ka dhan xoogagga Al-sahabaab oo ku sugan deegaanno ka tirsan gobolkaas.

“Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay boggaadineysaa howlgallada Ciidanka Xooga Dalka oo kashanayo Ciidamada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle , ATMIS iyo saaxiibada kale ee Caalamka ka fulinayaan deegaannada Gobollada Hiiraan”ayuu yiri wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo howlgalka ka hadlayay.

Wasiir Cabdiqaadir ayaa sidoo kale ammaanay dowrka wanaagsan oo ay shacabka gobalkaasi ka qaateen howlgallada ka socda gobolka “Waxaan si gaar ah u bogaadineynaa dadka deegaanka oo si mug leh ugu soo baxay in ay ka qeyb qaataan ciribtirka argagixisada si toos ahna uga garab dagaallamayo ciidamada qaranka” ayuu sii raaciyay hadalkiisa wasiirka.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in dowladdu ay ku howlan tahay qorshe ballaaran, kaas oo uu sheegay in dalka looga xoreynayo sida uu hadlka u dhigay” Wasaaradda Gaashaandhiggu waxa ay ku howlan tahay diyaarinta qorshe ballaaran oo guud ahaan dalka oo dhan looga xoreynaayo argagixisada” ayuu dhanka kale yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiir Cabdulqaadir ayaa gabagabadii hadalkiisa sheegay fariin waxaa uu u diray ciidanka xoogga dalka ee howlgallada ka wada gobollada dalka” Dhammaan geesiyaasha ciidamada kala duwan ee sida nafhurnimada leh ula dagaallamayo cadwga waxa ay baal dahab ah ka galayaan taariikhda qaran dhiska Soomaaliyeed” ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa wasiirka.

Hadalka kasoo baxay wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya Macawisleyda ay howlgallo kawadaan Waqooyiga gobolka Hiiraan, ciidan ayaa ku guuleystay in Al-shabaab ay ka saaraan deegaanno dhowr ah oo dhaxeeya degmooyinka Maxaas iyo Matabaan, guddoomiye Jeye ayaa hoggaaminaya.

Goobjoog News