U bood dhigaalka

Wasaaradda Gaashaandhigga oo Ka Hadashay Askar Lagu eedeeyay inay Kufsi Ka Geysteen Deegaanka Janaale

Sheeko:Amniga

Wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay eedeymo kufsi ah oo loo jeediyay askar ka tirsan ciidanka xoogga kuwaas oo todobaadyo ka hor la wareegay deegaanka Janaale ee gobalka Shabeelaha hoose.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay inay socdaan baaritaano ku aaddan sax ahaanshiyaha in ciidan ka tirsan xoogga ay gabdho Soomaaliyeed ku kufsadeen deegaanka Janaale oo Al shabaab ay ka talin jireen.

Dhanka kale warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in maxkamadda ciidamada qalabka sida ay waddo baaritaanno ku aaddan dhacdadaasi.

Ciidanka dowladda ayaa inta badan waxaa lagu eedeeyaa inay kufsi ka geystaan deegaanada ay kala wareegaan dagaalamayaasha Al shabaab.

Halkan ka akhriso warsaxaafadeedka

Goobjoog News