Wasaaradda Kalluumeysiga Iyo Kheyraadka Badda Oo Digniin U Dirtay Kalluumeysatada

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ayaa uga digtay Kalluumeysatada in meelo fog fog oo badda gudaheeda ah ay tagaan inta lagu guda jiro xilliga bad xiranka.

Wasaaradda ayaa sheegtay in Kalluumeysatada Soomaaliyeed ay wasaaradda ay uga digeyso in aysan badda ku fogaan inta ay jiraan dabeylaha taasi oo keeni karta in khasaare uu soo gaaro.

Wasaaradda waxaa ay tilmaantay inaysan heysan qalabkii lagu bad baadin lahaa Kalluumeysatada sidaas darteedna ay ka fogaadaan badda xilliga dabeysha oo lagu jiro.

inta lagu guda jiro xiliga Bad xeranka ayay Kalluumeysatada Soomaaliyeed la kulmaan  khasaarooyin is kugu jira Naf iyo Maal, waxaana la sheegayaa in hadda gudaha Badda lagu waysanyahay 3 Doomood iyo dhamaan dadkii saarnaa oo tira ahaan lagu qiyaasay 10 qof.

Goobjoog News

Related Articles

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW