U bood dhigaalka

Wasaaradda Maaliyadda Oo Joojisay Canshuurtii Laga Qaadi Jiray Goobaha Ganacsiga

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Somalia ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay canshuurtii 20-ka doolar ahayd ee laga  qaadi jiray goobaha ganacsiga.

Kadib wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Adan Ibraahim Farkeeti, ayaa si toos ah loogu shaaciyay in la joojiyay canshuurtii 20-ka doolar ahayd ee bil kasta laga qaadi jiray ganacsatada suuqyada wax ku iibisa.

Wareegtada ayaa sidoo kale lagu xusay si looga gudbo marxaladihii kalifay in la qaado khidmad duuduub ah, ayaa  gabi ahaanba la joojiyey 20-kii doolar ee laga qaadi jiray ganacstada suuqyada wax ku iibisa laga bilaabo marka taariikhdu tahay 21/10/2015.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Wasaaradu la imaanayso qorshe faahfaahsan oo ay ku cad yihiin sidii loo qaadi lahaa canshuuraha gadista, ee ku waajibtay ganacsatada suuqyada wax ku iibisa iyadoo la raacayo shuruucda dalka ka jirta.

Ugu danbayntii Wareegtada ayaa lagu xusay in laamaha ilaalinta canshuuraha ay gacan buuxda ka geeystaan kaalintooda ku aadan kor u qaadida sidii loo ururin lahaa canshuuraha.

Hadaba intaasi ka dib ayaan Goobjoog News, waxay qadka Taleefanka kula xiriirtay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Adan Ibraahim Farkeeti, si aynu u helno faah faahin intaasi ka badan.

Waxa uu wasiirka sheegay in tani ay ka dambeysay ka dib markii ganacsatada Soomaaliyeed ay cabasho soo gudbiyeen, islamarkaana ay joojiyeen 20-kaasi doolar.

“Warqadda wasaaradda kasoo baxday waxay salka ku haysaa cabasho badan oo nooga timid ganacsatada Soomaaliyeed iyo dadweynaha, oo ka cabanaya lacagahaasi oo hadda la qaado in aysan waafaqsaneyn sharciga, marka asal ahaan warqaddaan waxay sharaxeysaa in markii canshuuraha lagu soo rogaayay ganacsatada amniga magaalada uu xumaa, wasaaradda waxay rabtay inay canshuuro qaado, marka waxaa loo arkay in dadka si loo baro canshuuraha in 20-doolar laga qaado meel walba oo ganacsi Xamar dhexdeeda ah, marka 20-kaasi ayaa la qaadayay illaa iyo iminka, digreetada waxay sheegaysaa in 20-kaasi doolar la joojiyay, hadda wixii ka dambeeya canshuurta lagu qaadi doono nidaam waafaqsan sharciga”

“Seddax arrin ayaa u sabab ah mid waa cabashada dadka ka timid oo su’aal ka keenay sharciyadda 20-ka doolar, in amnigii magaalada soo wanaagsanaaday oo saamaxayso in howlwadeenada wasaaradda maaliyadda ay si hufan u howlgeli karaan, tan Seddaxaadna waa maadaama wasaaraddu ay wado in la wanaajiyo maamulka maaliyadda in ay noqoto wax shacabka wixii ay bixiyaan dowladda kula xisaabtami karaan” ayuu yiri Wasiir Fargeeti.

Wasiirka Maaliyadda ayaa dhinaca kale sheegay in shacabka canshuurta bixinaya ay kalsooni ka qaadaan cidda dooneysa in canshuurta ka qaadeysa, ayna weydiin karaan warqadda aqoonsiga ama ID-cards, iyo sidoo kale eegaan warqadda lacag bixinta.

“Dadka cansuurta bixiya waxaan kula dardaarmayaa in ay kalsooni ku qabaan cidda u imaanaysa oo rabto inay canshuur ka qaado, waxay weydiin karaan ID-cards ama warqadda aqoonsiga, Buleetooyinka lagu qaado canshuurta waa kuwo kasoo baxay xafiiska xisaabiyaha guud, hadii qofkaasi aanu haysan aqoonsi waa inay ka digtoonaadaan in qofkaasi ay lacag siiyaan, midda kale shacabka waxay xaq u leeyihiin in canshuuraha ku waajibay ay si toos ah ugu shubaan bankiga dhexe” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka.

Xarumaha ganacsi ee ku yaalla magaalada Muqdisho waxaa bil walba laga qaadi jiray lacag dhan 20 doolar oo u dhiganta 440 kun oo shilin Soomaali ah.

Inta badan magaalada Muqdisho waxaa lagu arki jiray askar iyo ganacsato ku murmaya lacagta canshuurta iyo is faham waa Labada dhinac soo kala dhex galayay.

Goobjoog News