U bood dhigaalka

Wasaaradda Maaliyadda Oo Qalab Kala Duwan Ku Wareejisay Hay’adaha Dowladda Federaalka (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aden Ibraahim Ferkeeti ayaa maanta ku wareejiyey qalab ka kooban Kombuyuutaro, Laabtoobyo, Birintiro iyo Footokoobiyo hay’adaha dowladda,

Qalabkaan ayaa loo isticmaalayaa nidaamka cusub ee Financial Management Information System (FMIS) oo lagula soconaya dakhliga u soo xarooda dowladda, nidaamkaan oo la hirgaliyey sanadkii la soo dhaafay balse hada si toos ah loogu xiray dhamaan hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in qalbkaan ay wasaaradu ugu tala gashay in la balaariyo hufnaanta maamulka maaliyadda dalka iyo isla xisaabtanka, loona fududeeyo qoondooyinka miisaaniyadeed ee hay’aduhu ka soo dalbanayaan Wasaarada Maaliyadda.

“Waxaa qalabkan ka fa’iidaysanaya 57 hay’adood waxaana loo isticmaalayaa in hay’ad kasta ay xafiiskeeda ka soo dalbato wiixi la xariira meel marinta miisaaniyadeeda, kulan socoto kharashaadkeeda, wixii xog ahna ay la wadaagi karto Wasaaradda Maaliyadda, wuxuu sidoo kale suurta galinayaa in si fudud loo diyaariyo warbixinada maaliyadda, hadii ay ahaan lahayd mid maalinle ah, Usbuucle, Bille, ama Saddex biloodle. Islamarkaasna wuxuu fududaynayaa raad raaca dhanka isla xisaabtanka iyo hanti dhowrista” ayuu yiri Wasiir Farkeeti

“Nidaamkaan wuxuu hada marayaa qaab toos u tabinaya (live) isku xirka dhaq dhaqaaqa dhaqaalaha soo gala dalka isagoona isku xiray Wasaarada Maaliydda, Bangiga dhexe, Dekeda iyo Garoonka diyaaradaha, waxaana hada loo gudbiyey dhamaan hay’adaha kala duwan ee dowladda, taas oo macnaheedu tahay in lala socdo daqiiqad kasta dhaqalaha dalka soo galay iyo siduu u baxay”

Waxaay arintaan qayb ka tahay hagaajinta maamulka maaliyadda guud ee dalka oo wasaaradu ay waday ilaa 2013.. kaas oo hada maraya qaab la jaanqaadi kara caalamka, si gooni ahna wasaarada loogu amaanay iney wax badan kaga horayso wadamada ka mid ah kuwa soo koraya.

MOF (4)-2 MOF (13) MOF (2)-2 MOF (3)-2 MOF (21)-2 MOF (22) MOF (19) MOF (20)