U bood dhigaalka

Wasaaradda Maaliyadda Oo Sheegtay In Sharciga Maareynta Maaliyadda Uu Wax Badan u Tarayo Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Wasaaradda maaliyadda ee xukuuumadda Soomaliya ayaa sheegtay in sharciga maareynta maliyadda uu waxbadan u tarayo guud ahaan dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maalliyadda Mudane Maxamuud Xayir Ibraahin ayaa Xildhibaannada baarlamaanka u sheegay in sharcigan muhiimad weyn ka geysanayo in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

“Sharciga mudanayaasha baarlamaanka ka doodaya waxa uu wax tar u leeyahay dowladda, maxaa yeelay Soomaaliya waxaa uu horseedayaa in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay” ayuu yiri wasiir xigeenka maaliyadda.

Hadalkani wasaaradda ka soo yeeray waxaa uu ku soo aadayaa xilli baarlamaanka Soomaaliya ay guda galeen ka doodista sharciga maareynta maaliyadda.

Goobjoog News