U bood dhigaalka

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya oo Shaacisay Bilashada Bisha Ramadaan

Sheeko:Amniga

Wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda federalka ah ee Soomalaiya ayaa caawa shaacisay in barri ay tahay maalinta koowaad ee bisha barakaysan , kadib markii  wasaaraddu sheegtay in laga arkay gudaha dalka.

Sedex qof oo kula sugan gobolka Banaadir iyo Shabeellada hoose ayey sheegtay wasaaraddu in ay arkeen bisha iyagoo bixiyey tilmaamo isku mid ah, waxaana wasaaraddu ay intaas ku dartay in barri ay tahay maalin soon ah.

Dadka arkay bisha ayaa waxaa wasaaraddu magacyadooda kula shegtay  Sheekh Xasan Xaaji Eynow iyo ruux la joogay oo kusugan Owdhiigle iyo Cabdicasiis Xasan Ibraahim oo jooga gobolka Banaadir, iyadoona la dhaariyey.

Goobjoog News