U bood dhigaalka

Wasaaradda Qorsheynta oo Samaynaysa Sahan Heerka Nolosha Dadka

Sheeko:Dalka

Wasaaradda qorsheynta Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay samayso cilmi-baarista lagu ogaanayo heerka nolosha dadka Soomaaliyeed si markaasi wax looga qaban karo baahiyaha jira, loona jaangoyn karo arrimaha gargaarka.

Sida uu sheegey wasiir ku xigeenka qorsheynta Cabdullaahi Sheekh Cali Qalooxoon, waxa uu heshiis dhexmaray wasaaradda qorsheynta iyo bangiga adduunka oo isagu maalgalin doona cilmi-baaristaasi.

Sahanka ayaa lagu wadaa in uu biloowdo bisha Oktooban ee sanadkani , waxaana lasoo bandhigi doonaa muddo bilo gudahood ah, sida uu wasiirka sheegey.

Wasiir ku xigeenka ayaa maalmahan ku sugnaa magaalada Nairobi oo uu wadahadalo la lahaa deeqbixiyeyaasha oo ay uu ka doonayay in ay wasaaradda taabogaliyaan.

Shaqada wasaaradda ayaa ah jaangoynta adeegyada dowladda ay bixiso ee guud iyo waliba jiheynta deeqaha dalka imanaya, hawshanina waxa ay u baahantahay xog dhab ah iyo tirakoobyo.

Bilo ka hor wasaaradda waxa ay wajahday dhaleeceyn badan kadib markii ay daabacday tirakoobka dadka Soomaaliya ku nool oo ay ku sheegtey 12 malyuun oo qof.

Goobjoog News