U bood dhigaalka

Wasaaradda Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Oo Sheegtay In Cabsi Ka Qabaan Danaha Gaarka ah ee Dalka Ka Leeyihiin Dowladaha Shisheeye (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Sii hayaha xilka Wasiirka Waraasadda Shaqada iyo Arimaha Bulshada ee dowladda Federaalka Injineer Luqmaan ayaa sheegay in dhibaatada ugu badan ee dalka dib u dhaca u keentay tahay xal ka raadinta wadamada shisheeye, taas oo uu sheegay in aanu lahayn wax horumar ah ama natiijo wanaagsan.

Injineer Luqmaan oo ka hadlayay xaflad lagu daahfurayay tababar la siinayo shaqaalaha dowladda ayuu halkaasi ka sheegay sidoo kale in uu cabsi ka qabo danaha gaarka ah ee dalka ka leeyihiin dowladaha shisheeyaha ah, waxaana uu ku baaqay in dadka iyagu ay xalka wada gaaraan, badalka xalka loo raadin lahaa wadamada shisheeye.

“Cabsida i hayso ee iigu daran waxay tahay, dowladaha jaarkeena ah iyo kuwa kaleba hamiyada ay naga leeyihiin iyo waxa ay naga rabaa, anaga ayaa is dirireyno waxaa na dhex taagan nin Afrikaan ah, Ururo, anagii ayaa nala kala celinayaa, kuwa dagaalamaya, kan isdilaya dhamaan walaalo iyo waalid ayeey leeyihiin, waa inaan dhexdeena qabanaa, mida kale shalay waxaan joognay heer aan madaxda wax loo sheegi karin, laakiinse hadda ilaa madaxweynaha wax ayaa loo sheegi karaa, waana in dhexdeena aan horta is xalino” ayuu yiri Injineer Lumqaan.

Ugu dambeyn ayaa sii hayaha xilka wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada xukuumada Soomaaliya waxa uu ku dhiira geliyay dhamaan shaqaalaha dowladda in ay noqdaan kuwo bulshada u adeega, islamarkaana hadii madaxda qalad gasha ay u sheegeen, sidoo kalena ay gudbiyeen wax walba oo wanaaga iyo xalka uu ku jiro.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News