U bood dhigaalka

Wasaaradda Shaqada Iyo Shaqaalaha Oo Sheegtay In Sanad Walbo Dalka Sacuudiga Loo Dirayo 50-kun Oo Shaqaale Ah

Sheeko:Dalka

Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta daah furtay sidii loo billaabi lahaa shaqaalaha dibadda u shaqo tagi lahaa ee Soomaaliyeed.

Wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi Cismaan Libaax oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dowladda Sacuudiga ay kasoo jawaab celisay codsi shaqo abuur shacabka Soomaaliyeed taas oo horay loogu bandhigay wadamada Qaliijka.

Dowladda Sacuudiga ayuu sheegay inay aqbashay sanad walbo in dalka Sacuudiga ay tagaan 50 kun oo shaqaale Soomaaliyeed ah, bishan gudaheedana ay bixi doonaa 2-kun oo shaqaale ah.

“Waxaa si dhaqsi ah noogu soo jawaabay dowladda Sacuudiga oo aan ka helnay in sanadkii la qaado 50 kun oo shaqaale Soomaali ah, rag iyo dumarna isugu jira, waxay noqoneysaa fursaddii ugu horreysay oo ay heleen dhallinyarada Soomaaliyeed, waad ogtihiin xaaladda maanta dalka uu ku sugan yahay ee shaqo la’aanta ah, waxaa soo diyaariyey madaxweynaha oo boqorka Sacuudiga arrintaasi kala soo hadlay, bishaan aan ku jirno waxaan rabnaa inaan qaadno ku dhawaad 2-kun oo shaqaale ah” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Wasiirka ayaa dhinaca kale waxa uu sheegay in heshiiska lala gelayo shirkadaha ay dadkan u shaqeynayaan tahay 2 sano, qofkana uu leeyahay sanadkiiba Bil fasax ah oo lasoo siin doono tikidkiisa iyo waxyaabaha kale ee safarkiisa la xiriira.

Goobjoog News