U bood dhigaalka

Wasaaradda Shaqada Iyo Shaqaalaha: Waxaan Wadnaa Qorshe Lagu Soo Celinayo Shaqada Qaranka

Sheeko:Dalka

Agaasimaha waaxda shaqada, shaqaalaha iyo shaqo abuurka  ee wasaaradda shaqada xukuumadda Soomaaliya C/risaaq Macallin Cilmi oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in wasaaradda ay waddo qorshaha ah in lasoo celiyo shaqada qaranka.

Waxa uu sheegay Agaasimaha in ay rabaan in shaqada qaranka ka qeybtaan dhallinyarada jaamacadaha soo dhameeyay inta ay ka shaqo galayaan ay qaranka usii shaqeeyaan mudada la isku afgarto, arrintaasina kala kaashan doonaan wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya.

“Waxaan ku dadaaleynaa in lasoo celiyo shaqada qaranka, dowladaha reer galbeedka ayey ka jirtaa, qofka markii uu jaamacadda kasoo baxo uu galo shaqo qaran oo Labo sano ah iyo wixii lagu heshiiyo, wax badan ayeey u tari doonaan dhallinyaradeena waxbaratay, waxaan rajeynaynaa in arrimahaan la kaashanno wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya” ayuu yiri Agaasimaha.

Dalka waxaa ku sugan dhallinyaro badan oo soo dhameystay jaamacado misane aan wax shaqo ah helina, hadane dhallinyaradaasi aqoontooda aan looga faa’ideyn dalka.

Goobjoog News