U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay Khasaaraha Weerarkii Ka Dhacay Degmada Cabdicasiis

Sheeko:Amniga

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Warfafainta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka ammaanka ay ku guuleysteen soo afjaridda weerarkii lagu qaaday guri ku yalla degmada Cabdi casiis ee gobolka Banaadir,  kaas uu deganaa sargaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan Milatariga.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada howlgalka ku jiray ay toogteen afar ruux, kuwaas oo gudaha u galay hoyga oo ay ku sugnaayeen  laguna dabiibayay ciidamo ka tirsan kuwa dib-u-xoreynta oo kusoo dhaawacmay dagaallada Al-shabaab looga soo horjeedo ee ka socda gobolka Hiiraan oo ay iyagu hormuud u yihiin oo inta badan looga saaray.

Weerarka oo socday muddo saacado ayaa waxaa dhanka kale ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo lagu xusay wasaxaafadeedka wasaaradda in 10 ruux ay dileen Al-shabaabkii weerarka soo qaaday, sidoo kale ay dhaawaceen 3 kale, ka hor inta aan la toogan dagaalamayaasha gudaha u galay  kadib qarax gaari oo lgu dhuftay albaabka hoyga.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda ayaa sidoo kale lagu shaaciyay in ciidanka ammanka intii uu socday howlgalka ay soo badbaadiyeen tiro dadka oo ku xanibnaa guriga la weeraray iyo sidoo kale kuwa deris la ah, mas’uuliyadda weerarkaan ayaa waxaa sheegatay dagaalamayaasha Al-shabaab in ay ka dambeeyeen weerarka lagu qaaday hoyga sarkaal Dhageey.

Ciidamada deegaanka ayaa inta badan waxaa dhaawacyadooda dowladdu ay usoo qaadaa magaalada Muqdisho, iyadoo ay marar badan Al-shabaab ay weerarro ka geysteen xarumo kale duwan oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo ku kale ee deegaanka oo inta badan ku garab siiya dagaalka ka dhanka Al-shabaab oo degmooyin iyo deegaanno looga saaray.

No photo description available.

May be an image of textGoobjoog News