U bood dhigaalka

Wasaaradda Waxbarashada Oo Isku Diyaarineysa Sanadkaan Qaadista Imtixaanka Mideysan Ee Dugsiyada Sare

Sheeko:Dalka

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in sanadkani wasaaradda ay diyaargarow ugu jirto sidii ay u qaadi lahayd imtixaanaadka dugsiyada sare.

Agaasimaha imtixaanaadka wasaaraddaasi ayaa sheegay in qorshe ay u dejisay sida loo qaadayo imtixaanka sanadkani oo bisha soo socota la qaadayo.

Mukhtaar Cabdullaahi Xaaji ayaa sheegay in wasaaraddu aysan isku mid ka dhigi doonin ardayda dhan oo lagu kala saarayo imtixaanka iyo natiijada uu keensado arday walba.

Ardayda ka qalin jabinaysa dugsiyada sare ayaa diyaar garow ugu jira sidii ay u gali lahaayeen imtixaanaadka.

Waxaa jiray dallado sanadkii hore ka biyo diiday in wasaaradda ay imtixaan mideysan ka qaaddo ardayda.

Goobjoog News