U bood dhigaalka

Wasaaradda Waxbarashada Oo Joojisay Lacago Ardayda iyo Macalimiinta Muqdisho Uu Ka Qaadayay Maamulka G.Benaadir

Sheeko:Amniga

Wasaaradda Wabarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa hakisay lacago maamulka gobalka Banaadir uu ka qaadayay ardayda iyo macalimiinta wax ka dhigta dugsiyada Muqdisho.

Wasaaradda ayaa sheegtay in muddooyinkii dambe ay soo gaarayeen cabashooyin kaga imaanayo macalimiinta , ardayda iyo waalidiinta ku dhaqan Gobalka Banaadir, taas oo ku aadaneyd in Lacago xad dhaaf ah uu maamulka gobalka Banaadir uu ku soo rogay Macalimiinta iyo Ardayda wax ka barata Iskuulada magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaaciyay in gebi ahaanba uu baabi’iyay qarashaadki ay wasaaradda waxbarashada ka qaadeysay ardayda iyo Macalimiinta.

Hoos ka akhriso warqadda go’aanka wasaaradda waxbarashada ka soo baxay.