U bood dhigaalka

Wasaaradda Waxbarashada Oo Ka Hadashay Tayeynta Waxbarashada Dalka

Sheeko:Dalka

Wasaaradda  Waxbarada Dowladda Federaalka  ee Soomaaliya   ayaa waxay sheegtay  iney wado Qorshe lagu kala saarayo tayada jaamacadaha ka  howlgala dalka gaar ahaan  magaalada mugadishu  ee caasimadda dalkeena hooyo.

Agaasimaha waxbarashada sare ee wasaaradda waxbarashada xukuumadda uu waqtigeedu dhamaaday  mudane Ismaacii  Yuusuf cismaan  ayaa waxa uu sheegay  iney wasaaraddu ku howlantahay tayanta waxbarashada  dalka ayna jiraan  kulamo kale oo ay la qaateen  maamullada qeybta ka ah dowladda dhexe ee soomaaliya  dhawaana afti  loo qaadi doono  sharciga tayaynta wabarashada  dalka waa sida uu shaaciyey Agaasimaha waxabarashada sare ee dalka  waxa uuna yiri

“markii ay siibateen jaamacadaha sanadkii 2014 waxaan bilownay inaan dajino sharuucdii  xakameyn laheyd  oo loo dajin lahaa jaamacadahaas  mar walba waxaad ubaahantay dhaqaale markaad sharci dajineyso  2014 ilaa 2015 waxaan dhameynay shacigii lagu hagi lahaa jaamacadaha sida gaarka ah loo leeyahay”

Cismaan yuusuf Agaasimaha waxbarashada sare ee dalka oo hadalkiisa siiwata ayaa shaaciyey iney dabagal ku hayaan jaamacadaha ka jira dalka ,ayna jiraan  jaamacado  aan buuxin Karin  sharuudihii looga bahnaa jaamacad markale isagoo arrintaasi ka hadlaayo waxa uu yiri ,,sida aan tirade ku hayno ilaa 3jaamacadood ayaa xirantay  waxayna u xirmeen tayo la,aan  maxaa yeelay dadka ayaa kala dooranaayo  jaamacaduhu way ogyihiin heerka ay joogaan anagana indhaha ayaan ku haynaa,,

Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee soomaaliya wadankana uu galay xaalad burbur iyo fowdo ayaa waxaa meesha ka baxay adeegyadii asaaiga ahaa ku waas oo ay midyihiin iney waxbarashadii caafimaadkii oo inta badan ay cawdaaan bulashada soomaaliyeed, balse lama oga tilaabadaan cusub oo ay qaaday wasaaradda waxbarashada dowladda fedaraalka waxay ka badaleyso irrinkaasi.