U bood dhigaalka

Wasaaradda Waxbarashada Oo Maanta Daah Furtay Munaasabadda Maalinta Afka Soomaaliga

Sheeko:Dalka

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda Federaalka ayaa maanta daah furtay munaasabad ballaaran oo lagu weyneynayo maalinta Afka Soomaaliga.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya Khadra Bashiir Cali ayaa sheegtay in wasaaraddu ay billawday munaasabado lagu weyneynayo 43-sano guuradii kasoo wareegtay hirgelinta qorista Afka Soomaaliya.

Wasiirka oo hadal ka jeedineysay munaasabad lagu qabtay xarunta Akadeemiyadda Fanka iyo Suugaanta ayaa sheegtay in maanta ay si rasmi ah u billawdeen munaasabadaha maalintaasi lagu weyneynayo ayna socon doonaan illaa laga gaaro 21-ka bishaan oo la qaban doono munaasabadda weyn, ayna jiri doonaan doodo ku saabsan sidii loo horumarin lahaa afka Soomaaliga.

“Waa furitankii Xafladda maanta waa ay inoo billaabatay, berri waxaa imaanaya Ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo xubno kale, safiirka Shiinaha oo Afsoomaali ku bartay Jaamacadda umadda Soomaaliyeed isna waa uu inoo imaan doonaa, maalinta Arbacada marti kale ayaa inoo imaan doonta, waxaana soo gabagabeyn doonnaa maalinta 21-ka oo madaxweynaha inoo imaan doona, waxaanu suubinnay bandhig farshaxan oo hablaha ah, dhaqankeena ku saabsan oo goballada dhan ka yimaadeen, waxaan idin ku casuumayaa inaad soo aragtaa qolalka iyo meelaha ay ku jiraan, bandhig buugaag baa meeshaan gadaal yaallo, buugta Af-soomaaliga lagu qoro meesha ayeey yaallaan, ciyaaro iyo aqal Soomaali iyana wey yaallaan, maalin walba meeshaan 8-da illaa iyo Afarta waad imaan doontaan, munaasabaddaan waxay inoo dhamaaneysaa 21-ka January” ayeey tiri Wasiir Khadra.

Mas’uuliyiin, aqoonyahanno iyo bahda waxbarashada oo ka qeybgalay munaasabadaan maanta lagu qabtay xarunta akadeemiyadda fanka iyo suugaanta ayaa dhammaantood waxay sheegeen inay muhiim tahay in ay iska kaashadaan horumarinta afka Soomaaliga.

Goobjoog News