U bood dhigaalka

Wasaaradda Waxbarashada Oo Shaacisay Waqtiga Lasoo Dhejin Doono Natiijada Imitixaan Sanadeedkii Ay Qaadday

Sheeko:Dalka

Agaasimaha guud ee wasaaradda Hidaha iyo tacliinta sare Ismaaciil Yuusuf Cismaan oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in ay rajeynayaan natiijadii Imitixaankii wasaaraddu qaaday Sanad dugsiyeedka 2014-2015 ay in Isbuuca soo socda lasoo dhejiyo.

“Imtixaanaadka wasaaraddu qaadday, dhawaan waa lasoo dhejin doonaa, inkastoo maalin cayiman aysan noqon, laakiin waxaa laga yaabaa Isbuuca dambe inay u badan tahay inaan soo dhejinno”

Agaasimaha waxaa kaloo la weydiiyay waxa laga yeelayo ardayda aan gelin Imtixaankii wasaaradda ee ku adkeystay kan dalladaha, marka laga hadlayo helitaanka shahaadada qaranka.

“Wasiiradda waxa ay sheegtay su’aalo weydiinteedii baarlamaanka in marka hore ay mudnaanta leeyihiin ardaydii galay Imitixaanaadka wasaaradda, ka dib ardayda aan imitixaanka wasaaradda gelin si gaar ah loo xalin doono arintooda, waayo iyagaba wey kusoo rafaadeen waxbarashada dalka oo marxalado kala duwan soo maray ayeey waxbaranayeen” ayuu yiri Agaasimaha.

Tan iyo sanadkii 2009, waxaa wasaaradda waxbarashada isku bedalay ugu yaraan Sagaal Wasiir oo la sheegay in mid kasta aragti iyo siyaasad waxbarasho cusub uu watay, laakiin sanadkaan waxa uu ahaa kii ugu adkaa, oo waxaa khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay, dalladaha ahliga ah iyo wasaaradda.

Dadka wax falanqeeya ayaa sheega in ay haboon tahay in la kala saaro siyaasadda iyo waxbarashada, si taas looga badbaadana ay tahay in la xoojiyo awoodda agaasimayaasha wasaaradda waxbarashada, si ay u jaan gooyaan qorshaha guud ee waxbarashada dalka, meeshana looga saaro saameynta isbedallada guud ee hareeyay wasaaradda waxbarashada.

Goobjoog News