U bood dhigaalka

Wasaaradda Waxbarashada Oo Sheegtay Inay Ku Dadaaleyso Horumarinta Afka Soomaaliga

Sheeko:Dalka

Wasaaradda waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku dadaaleyso horumarinta Afka Soomaaliga ah.

Agaasimaha waaxda dugsiyada ee wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya Professor Tooxow oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in wasaaraddu ay qorsheynayso tartamo badan oo lagu hormarinayo afka Soomaaliga kadib markii Todobaadkan wasaaradda waxbarashada ay tartan u qabatay dhallinyaro arday ah oo ka kala yimid 18-ka gobal ee dalka.

Agaasimaha ayaa hoosta ka xariiqay in wasaaradda ay sii joogteyn doonto tartamadan si dhallinyarada Soomaaliyeed aqoontooda kor loogu qaado, waxaana uu sheegay in suugaanta iyo waxyaabo kale ay ku tartami doonaan.

“Waa Guul in tartankii uu inoo dhamaaday, waxaan rajeynaynay in miro sax ah ay kasoo baxaan oo Af-soomaaliga si sax ah loogu saldhiggo oo uu dib ugu soo laaban doono maqaamkii uu dalka ku lahaa, waxaan ka dareemaynaa dareenka wadaniyad ee goballada ka jira iyo dadku xiisaha ay u qabaan in dhaqankooda iyo hidahoodii la’isku celiyo ayaan meesha ka fahamnay waana miraha ka dhashay howshaan iyo abaabulkaan oo sanadkaan la sameeyay, waan sii wadi donnaa tartamadaan ka wasaarad ahaan waana lasoo Laba jibaari doonaa, waxaana rajeynaynaa in kaalin mug leh ay arrintaasi ka qaadato in Af-soomaaliga uu caga dhigto”

Agaasimaha ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay afkooda iyo dhaqankooda usoo noqdaan, islamarkaana ay u istaagaan sidii Afka loo hormarin lahaa.

Goobjoog News