U bood dhigaalka

Wasaaradda Waxbarashada: Waan Weynay Dad Ka Faa’iideysta Mashruuca Aada Dugsiyada

Sheeko:Dalka

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya ayaa qiray in ay ka wasaarad ahaan waayeen dad ka faa’iideysta mashruucii aada dugsiyada.

Wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi Xaamud Cali Xasan oo maanta ka hadlayay xuska maalinta aqriska iyo qoraalka adduunka oo Muqdisho lagu qabtay ayaa sheegay in wasaaraddu ay diyaarisay mashruucaasi.

Wuxuu sheegay in la waayay arday ka faa’iideysata inkastoo mashruucan aada dugsiyada kal hore ay billaabeen xukuumadihii ka horreeyay middan.

Wasiir xigeenku wuxuu ugu baaqay dhallinyarada waxbaratay ee aan shaqeynin inay ku dhiiradaan waxbarista ubadka Soomaaliyeed.

“Mashruuca aada dugsiyada lagama faa’iideysan sidii loo baahnaa, ardayda wax baratay ee aan shaqeynin haka qeyb qaataan waxbarista ubadka Soomaaliyeed” ayuu yiri wasiir xigeenka.

Mashruuca Aada Dugsiyada ayaa iskiisa isaga joogsaday kadib markii macallimiinta ay sheegeen in dhaqaalihii loo ballanqaaday laga goostay.

Goobjoog News