U bood dhigaalka

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha: Sacuudiga Xiyiraad KMG Ayey Saareen Xoolaha

Sheeko:Dalka

Siciid Xuseen Ciid, Wasiirka xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in dalka Sacuudiga uu si KMG ah u joojiyay dhoofsashada xoolaha Soomaaliya.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa waxaa uu intaa ku daray in sacuudiga ay sheegeen in xoolaha Soomaaliya laga helay xanuun badan isla markaana ay u hakiyeen ganacsiga si KMG ah.

Xiyiraadda Sacuudiga waxaa la filayaa in ay culeys u keento dhaqaalaha dalka iyo in ay uga sii darto abaaraha dalka ka jira.

Goobjoog News