U bood dhigaalka

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland oo ka warbixisay kulomo lagaga hadlayay sidii loo fasixilahaa xoolaha Somalida

Sheeko:Dalka

Wasiirka xanaanada xoolaha maamulka Soomaaliland Cabdullaahi Maxamed  Daahir iyo saraakiil ka tirsan wasaaraddiisa ayaa si wadajira waxay uga qeyb galeen shir looga hadlaayay arrimaha caafimaadka xoolaha kaasi oo ka dhacay magaalada Campala ee caasimadda waddanka Ugandha.

Kulankaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay hay’adaha ka shaqeeya xoolaha waxaana diiradda lagu saaray shirkaan intii uu socday sidii loo ilaalin lahaa caafmaaadka xoolaha Soomaaliya maadaama xoolaha loo iib geeyo qaar ka mida wadamada Khaliijka.

Wasiirka xanaanda xoolaha maamulka Soomaaliland Cabdullaahir Maxamed Daahir ayaa sheegay in wafdi dhaqaatiirka xoolaha ee ka socda waddanka Sacuudi Carabiya ay gaareen magaalada Hargeysa,si ay ugu kuur galaan dhibaatada dhanka caafimaadka ah ee haysata xoolaha waxa uuna yiri

“Waa in la is weydiiyo dhinacyada uu quseeyo neefka xoolaha iyo ka ganacsigiisu, gaar ahaan dhinaca dhoofinaya waad ogtihiin ganacsiga waxa uu maraa dhinac iibsanayo iyo mid laga iibsanaayo, marka dhinaca xoolaha loo dirayo waa khaliijka, dhinaca diraya xoolaha waa inay isweydiiyaan  waa maxay sababta xoolaha loo xanibay”.

In badan oo ka tirsan wadamada Khaliijka ayaa loo iib geeyaa xoolaha Soomaaliya,iyadoo dhamaadka sanadkii tagay ee 2016 kii ay dowladda Sacuudi Carabiya ay xanibaad saartay xoolihii uga imaan jiray Soomaaliya,waxayna arrintaasi ay ku macnaysay inay xoolaha Soomaaliya laga helay cudurro.

Goobjoog News