U bood dhigaalka

Wasaaradda Shaqada Iyo Shaqaalaha Oo Dadka Loo Shaqeeyo Ka Dalbay In Ay Ilaaliyaan Xuquuda Shaqaalaha

Sheeko:Dalka

Agaasimaha waaxda shaqada iyo shaqaalaha wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha  ee xukuumadda Soomaaliya  mudane Cabdirisaaq Macalin Cilmi ayaa ka dalbaday dadka loo shaqeeyo inay ilaaliyaan xuquuqda ay leeyihiin dadka shaqaalaha ah.

Ugu horeyn agaasimaha ayaa hambalyo u diray shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasto oo ay aduunka ka joogaan maadaama ay maanta ay ku beegantahay maalin shaqaalaha dunida .

“Ugu horeyn anigoo ku hadlaya magaca guddiga qaban-qaabada,  waxaan hambalyo ku aadan maalinta shaqaalaha dunida u dirayaa dhammaan shaqaalo weynaha Soomaaliyeed kuwa dowladda u shaqeeya iyo kuwa hay’adaha gaarka ah u shaqeeya”.

Marka loo fiiriyo shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa waxay ku shaqeeyaan marxalado aad u adga kuwaas oo ay kala kulmaam dadka ay u shaqeynayaan, mana jiro sharuuc kala hagayso qofka shaqaalaha iyo midka loo shaqeynayo.

Taariikhda marka dib loo raaco shaqaalaha Soomaaliyeed waxay soo mareen marxalado kala duwan waqtiyadii gumeysiga ayuu  ahaa waqtiyadii ugu xumaa, maxaa oo ay soo mareen shaqaalaha Soomaaliyeed, xilligaas oo ay ahaayeen kuwo lagu fasho beeraha taas badalkeedna aysan lahayn wax xuquuq ah.

Goobjoog News