U bood dhigaalka

Wasaiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Soomaaliya oo Iscasilay

Sheeko:Amniga

Maxamed Cali Cumar (Caanonuug)  Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federalk ayaa sheegay in shaqadii uu u haayay Xukuumadda  iska casilay, isaga oo sheegay in ay sabab u tahay kadib markii uu dhacay isfahamwaa dhexmaray wasiirka iyo sidoo kale ku-xigeenkiisa.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay inuu sameeyay ku tagrifal awoodeed iyo baalmarid sharci, waxaana wasiirka uu sheegay in uu cabashadaas u gudbiyay dhowr jeer Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya si wax looga qabto, laakiin aan wax laga qaban sida uu hadalka u dhigay wasiirka.

“Ugu hareyn mahad oo dhan waxay usugnaatay Allaah SWT, marka xigtana waxaan u mahadnaqaa dhamaan shaqaalihii iyo saaxibadii ila shaqeeyay muddadii aan xafiiska joogay. Walaalayaal damiirkeygu wuxuu isiin waayay inaan ka sii tirsanaado Xafiis lagu dulminaayo muwaadiniin Soomaaliyeed, laguna fool xumeynaya Adeegga iyo kalsoonida ay umadda Soomaaliyeed ku qabtay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada” ayuu ku yiri qoraal uu soo galiyay Facebook.

Goobjoog News