U bood dhigaalka

Wasaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Ka Warbixisay Xaaladaha COVID-19 24-kii Saac Ee Tagtay

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalin laha ah ku shaacisay in guud ahaan dalka laga diiwaan geliyey 38 kiis oo xanuunka COVID-19ah. taas oo guud ahaan ka dhigeyso muwaadiniinta uu ku dhacay  2,696 oo ruux, tan iyo markii uu dalka ka dilaacay bishii March 2020-ka.

Wasaaradda ayaa xustay in kiisaskaan laga helay Gobolka Banaadir 8, Somaliland 13, Puntland 16, halka Koonfur Galbeed laga xusay 1 kiis oo xanuunka Coronavirus ah, bukaanada 29 kamid ah waa Rag halka 9 ay yihiin Dumar.

Wasaaradda ayaa sheegtay in xanuunka ay dib uga soo bogsadeen 36 ruux, taas oo guud ahaan dadka dib uga soo caafimaaday xanuunka ka dhigeyso 685 muwaadin, wasaaraddu maanta ma shaacin muwaadin dalka gudihiisa ugu geeriyooday xanuunka Coronavirus , waxaana guud ahaan dalka caabuqa COVID19 ugu geeriyooday 88 muwaadin.

No photo description available. Googjoog News