U bood dhigaalka

Wasiir Al-cadaalla : Waxa Socda Saaka Waa Afgambi Dadban Mase Guulaysanayo

Sheeko:Amniga

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaalla ayaa sheegay in talaabada ciidamada lagu dhigay afafka hore ee xafiiska ra’iisul wasaaraha ay tahay mid afgambi ah .

Qoraal uu soo dhigay wasiirka bartiisa Facebook-ga ayuu ku sheegay in Farmaajo uu saaka afgambi ka wado dalka.

“Waxa socda saaka waa afgambi dadban mase guulaysanayo,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaalla.
SA
Wasiir ku-xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in Ra’iisul wasaare Rooble uu dastuurka siiyay xafiis uu ku shaqeeyo sida uu hadalka u dhigay “R Rooble wuxuu leeyahay Xafiis shaqo oo uu Dastuurku Fariisiyay”.

Alcadaala ayaa sidoo kale sharci daro ku tilmaamay ciidamada lagu hor istaagayo shaqda ra’iisul wasaaraha.
“In Ciidan Sharci darro lagu geeyo si looga hor istaago waxeey furaysaa albaab cusub mana shaqayndoonto insha allaah,” ayuu yiri Alcadaalla.
Hadalka Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaalla, ayaa yimid xilli Farmaajo uu amray in uusan shaqada iman karin ra’iisul wasaare Rooble.
Goobjoog News