U bood dhigaalka

Wasiir Alcadaala iyo Xildhibaan Saabir oo Maanta Lagu Arkay Jiidda Hore Ee Dagaalka Galgaduud

Sheeko:Amniga

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusf  Alcadaala iyo xildhibaan Abdisaabir Nuur Shuuriye oo maalmaan kusganaa gobolka Galgaduud qeybo kamid ah oo ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka ay howlgallo ka wadaan ayaa lagu arkay aagagga hore ee dagaalka iyaga oo xiran dharka ciidanka.

Wasiirka Alcadaala iyo xildhibaanka oo deegaannada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ayaa waxaa ay ku matalaan Baarlamaanka federalka ah ee Soomaaliya, iyaga oo  ka ahaa howlgallo maanta  Al-shabaab looga saaray  deegaanno dhowr ah oo hoostaga degamada Xaradheere oo ku yaalla xadka gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa ay qeyb ka ahaayeen abaabulka iyo dhiiragelinta ciidanka iyo kuwa deegaanka ee wada howlgallada ka bilowday deegaanno hoostaga degmada Baxdo, ciidanka ayaa u jiheystey degmada Xaradheere oo fariisinka gobolka ugu weyn u ah Al-shabaab, Waqooyiga iyo Bariga gobolka ayaa waxaa ka socda howlgallo kale duwan.

Ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka ayaa gobolka Galgaduud laba jiho ka kale bilaabay howlgallo, kuwaas oo hadafka ugu weyn ay ku sheegeen inuu yahay in ciidanka ay ku gaaraan degmooyinka ka maqan gacanta Galmudug, kuwaas oo hoos yimaada degmooyinka Ceelbuur iyo Xaradheere oo kala tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Xildhibaannada ku sugan jiidaha hore ee dagaalka ayaa waxaa sidoo kale kamid ah, guddoomiyaha guddiga amniga ee Baarlamaanka xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas Dhageey, xildhibaan Cabdi Maalik Cabdalla oo ku sugan Hiiraan iyo xidhibaan Cabdisaabir Nuur Shuureiye oo Galgaduud kaga sugan deegaannada Waqooyi.No description available.

No description available.No description available.Goobjoog News