U bood dhigaalka

Wasiir Alcadaala iyo Xildhibaan Saabir Shuuriye oo Gaaray Magaalada Baxdo Ee Galgaduud

Sheeko:Amniga

Wasiirka ku-xigeenka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala Xildhimaab Cabdi Saabir Nuur Shuuriye iyo guddoomiye ku-xigenka amniga iyo siyaasada gobolka Mudug Cabdi Xuseen iyo ciidamo ka tirsan dowlada federaalka iyo kuwa Galmudug ayaa gaaraya Degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Wafdiga wasiirka iyo xildhibaanka ayaa degmada Baxdo kula kulmay Suldaanka Mowliid Shiikh Jaamac Suldaan Axmed Nuur, saraakiisha heer federaal ee hogaamiyaana kacdoonka ladoonayo in lagu xoreeyo degaannada Galmudug ay ka jogaan  Alshabaab, taliska ciidanka NISA qeybta Galmudug iyo maamulka degmada Baxdo.

Gaashaanle sare Warsame Diirshe Xuseen  Warsame Gaab  Oo hoggaaminaya howlgalka xoreynta degaanka Galmudug ee kujira gacabta  Alshabaab iyo Gashaanle sare Xasan Jaamici ayaa uga warbixiyay wasiirka iyo xildhibaanka waxyaabihii u qabsoomay intii ay jogeen degaannada u dhaxeeya degmooyinka Cadaado.

Wasiir Alcadaala iyo Xildhibaan Cabdi saabir ayaa lagu wadaa iney tagaan dhamaan degaanada ey ku diyaarsanyihiin ciidamada shacabka ah ee isabaabulay  iyo kuwa dowlada ee isku garabsanaya dagaalka ka dhanka Al-ashabaab, iyaga oo sheegay in hadafkoodu uu yahay sidii lagu gaari lahaa degmada ka maqan Galmudug.

Kacdoon shacab ayaa kajira inta badan degaannada Galmudug, kaas oo bilowday kadib markii ay Alshabaab bilaabeeb iney gubaan Ceelbiyoodyo, Barkado iyo  guryo ku yaalla deegaanno u dhaxeeya magaalooyinka Baxdo iyo Cadaado, kadib dadka deegaannada bariga  iyo galbeedka Galgaduud ayaa bilaabay kacdoon ka dhan ah Al-shabaab.

Goobjoog News