U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Bogaadiyay Howlgallada Aminga Caasimadda Lagu Sugayo

Sheeko:Amniga
Wasiirka Arrimaha Gudah Fedaraalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa Bogaadiyay Howlgallada ciidamada Booliska Soomaaliyeed, kaas muddooyinkii dambe si xowli ah uga socday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo deegaannada la dariska ah.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo lahadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir ay maalmihii lasoo dhaafay qaadeen tallaabooyin ay mahadiyeeb bulshada Soomaaliyeed, iyagoo ka hortagay fal dambiyeedyo qatar ku ah ammaanka Muwaadiniinta Soomaaliyeed.
“Waan ku Bogaadinayaa shaqada Wanaagsan iyo adeegga ay umadda Soomaaliyeed u hayaan ciidamada Booliska G. Banaadir islamarkaana ay ku badbaadinayaan nafta iyo maalka umadda Soomaaliyeed. Ayuu yiri Wasiir arrimaha gudaha federalka iyo dib u heshiisiinta Ahmed Moallim Fiqi.
Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir ayaa ku guuleystay qorshaha xasilinta amniga Caasimadda kaas oo si weyn looga dareemay magaalada Muqdisho, iyadoo laga hortay kooxo kala duwan oo burcad ah oo falal amniga lid ku ah ka geysanayay magaalada Muqdisho.
Howlgallo si gaar ah ciidanka ay u fuliyeen ayaa waxaa dhowr degmo oo caasimadda ah lagu beegsaday goobo lagu sameeyo waxyaabaha Maanka doonriya, kooxo burcad ah oo dhac u geysta shacabka iyo sidoo kale kooxda Ciyaal Weerada loo yaqaano gudaha Muqdisho.
Goobjoog News