U bood dhigaalka

Wasiir Arrimaha Gudaha oo Ka Qeybgalay Caleemo-saarka Guddoomiyaha Degmada Xudur

Sheeko:Amniga

Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan degmada Xudur ee caasimadda gobolka Bakool ayaa ka qeybgalay xaflad si heer sare loosoo agaasimmay oo lagu caleemosaaray guddoomiyaha degmada Xudur iyo maamulka deegaanka.

Gudoomiyaha cusub ee degmada Xudur Cumar Cabdulaahi Maxamuud oo la caleemasaaray ayaa golaha hoggaamin doona afarta sano ee soo socota, wasiirka oo madasha Khudbad ka jeediyay ayaa bulshada degmada Xudug dadaalka ay muujiyeen iyo sida ay ugu adkaysteen go’doonka Al-shabaab ay saareen sida uu yiri.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa  inta uu Xudur joogay waxaa uu booqasho ku tagay qeybo ka mid ah magaaladaasi oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha oo ay ka socoto howlo dhismo ah  isaga oo indhaindheeyey xaaladda guud, dhageystana baahida maamulka iyo shacabka ay u qabaan helitaan garoon diyaaradeed.

Booqashada wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ee Xudur ayaa imaaneysa saacado yar uun kadib markii uu ka degay Baydhabo oo ah xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed halkaaas uu kusoo dhoweeyey wasiirka arrimaha gudaha ee Koonfur galbeed mudane Cabdullahi Xaaji Xasan.

Wasiirka arrimaha gudaha  Axmed Fiqi uu29-kii bishii Oktober ayey aheyd markii  booqasho ku tagay Buulabudre ee Hiiraan oo aheyd  mid go’doonsan, kahor inta aan laga saarin  waana tallaabo ay wasaaradda uga warheyneyso dadka iyo deegaanadda, gaar ahaan kuwa ay ka jirto dhibaatada daran.

Goobjoog News