U bood dhigaalka

Wasiir Bayle Oo Farriin u Direy Shaqaalaha Dowladda

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda maaliyadd ee xukuumadda Soomaaliya ayaa ugu baaqay shaqaalaha dowladda in ay xoogga saaraan sidii dalku dib usoo kaban lahaa, islamarkaana loo heli lahaa isla xisaabtan dhab ah.

Wasiirka oo kulan la yeeshay shaqaalaha wasaaradda maaliyadda ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku aadan shaqooyinka laga doonayo shaqaalaha wasaaraddaasi iyo guud ahaan kuwa dowladda.

“Waxaan isugu kiin yeeray inaan is barano, in aan la socdo dhibaatoyinka mar kasta idinka hor imanaya, waxaan idinka mahad celinayaa sida aad ugu dhabar adeegteen dhibaatooyinka amnni iyo nololeed ee dalka ka jira, qaarkiin ayaa iyagoo xabadu meel kasta ka dhacayso jaamcado dhiganayey, waana ku farax sanahay sida diiran oo aad isoo dhaweyseen, waana idinla shaqaynayaa, waajibka layga rabo waa in idinka iyo shaqaalaha kale ee dowladda ay helaan mushaarkooda si joogta ah”

Wasiirka oo sii hadlayey ayaa yiri “Inaan la soo noqono xornimadeena waxay u baahan tahay inaan isku tashano, qof walbana masuuliyadiisa oo dhab ah ka soo baxo, wadana kuma hormaro inuu haysto Macdan, Dahab, Shidaal iyo Dheeman, ee waa dadka iyo sida ay uga fa’iidaysataan maskaxdooda ayaa abura horumarka, una fakaraan horumarka dalkooda. Hadaa nahay Soomaali inta caalamku shaqeeyo laba jibarkeed waa in la shaqeeyo, si dalkaan meesha uu joogo looga hormariyo, waxaa jira wadamo aan khayraad lahayn, lakiin dadkooda ay ka go’an tahay in ay wax qasadaan” ayuu yiri wasiir Bayle oo dhanka kale xusay in miisaaniyadda dalka ay tahay 260 milyan, 120 milyan oo kamid ah ahna laga sugo deeq bixiyayaasha caalamka, sidaas daraadeena uu qof walba dareemi karo culayska dhaqaale ee dowladda haysta.

Wasiirka ayaa ugu danbayn sheegay in dalkeena uu aad uga hooseeyo wadamada Africa, sidaas daraadeedna looga baahan yahay shaqaalaha dowladda in ay xooga saaran sidii dalku dib ugu soo kaban lahaa. Sanadka aakhirkiisana laysla xisaabtamo si dhaqaalaheenu u noqdo mid horumar sameeya.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay la dagaallami doonto Musuqa, islamarkaana cid walbo oo Musuq lagu helo la geyn doono cadaaladda.

Goobjoog News