U bood dhigaalka

Wasiir Bayle Oo Ka Halday Horomarka Maaliyadda Dalka

Sheeko:Amniga

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ahna Gudoomiyaha Guddiga Maamulka Maaliyadda Dr. Cabdirahman Ducaale Beyle ayaa soo gudbiyay warbixinta afaraad ee Maamulka Maaliyadda.

Warbixintu waxay qiimeyneysaa horumarada ay ku talaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee xoojinta maamulka maaliyadda intii u dhexeysay Luuliyo 2019 ilaa iyo Juun 2020. Sidoo kale waxay soo bandhigeysaa ahmiyadaha maamulka maaliyadda ee uu Guddiga Maamulka Maaliyadda aaminsan yahay inay u baahan yihiin in wax laga qabto sanadaha soo socda si loo xoojiyo dadaalada dowlad dhisidda iyo si looga faa’iideysto guusha laga gaaray deyn cafinta.

Warbxinta Maamulka Maaliyadda ee 2020 waxaa lagu soo kordhiyay cutub si gaar ah diiradda u saaraya mid ka mid ah arrimaha maamulka maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ujeeddada cutubkaan ayaa ah in si qoto dheer looga hadlo mowduuca la soo xulay iyadoo si faahfaahsan loo qeexayo xaaladda haatan jirta iyo in la eego wax ka baxsan waqtiga halka sano ee warbixinta caadiga ah, si looga barto casharo, loona ogaado caqabadaha joogtada ah ee hortaagan horumarka iyo dib-u-habeynta lagama maarmaanka ah. Arrinta ay warbixinta 2020 diiradda saareyso waa iibka guud iyo qandaraasyada oo ah arrin aad muhiimad gaar ugu lah guddiga tan iyo intii aasaasay 2014 ki.

Qodobada ugu muhiimsan ee warbixinta 2020 waxaa ka mid ah horumarka laga gaaray soo bandhigidda heshiisyada iyo qandaraasyada guud, ururinta iyo maamulka dakhliga, maareynta maaliyadda iyo kharashaadka guud, iyo abaabulka taageerada Hay’adda Caalamiga ah ee Maaliyadeed.

Sido kale warbixnta 2020 waxay soo bandhigeysaa afar arrimood oo oo u baahan mudnaan dheeri ah la siiyo laba iyo tobanka bilood ee soo socda: In la aasaaso, la xoojiyo, lana dhiso awooda hay’adaha kormeerka si ay u qabtaan hawlaha iibka guud iyo qandaraasyada; In la dhiso wacyiga saamileyda ee sharciga iibka guud; In la dhiso khibrad farsamo iyo awooda loogu talagalay hoggaaminta, ama kaqeyb qaadashada hannaanada iibka guud; iyo in la joogteeyo kobcinta xeerarka iibka guud iyo qandaraasyada.

Muddo xileedka Guddiga Maamulka Maaliyadda waxaa u ku egyahay Juun 2021. Waqti u kordhinta guddiga waxaa ku xirnaan doontaa heshiis u dhexeeya xukuumadda iyo beesha caalamka.

Goobjoog News