U bood dhigaalka

Wasiir Beyle “Hantida Dowladda si Qaldan Doorashada looguma isticmaali Doono”

Sheeko:Amniga

Wasiirka  waraasadda maaliyadda xukuumadda federalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in aysan jiri doonin lacago ka badan  kuwa loo qorsheeyey doorashooyinka in loo isticmaalo, waxaana uu xusay in xiligaan dowladda iyo beesha caalamka ay kawada shaqeynayaan dhameystirka qarashaadka doorashada.

Wasiirka waxaa uu intaas ku daray in lacagaha loo qorsheeyey doorashooyinka ay gaarayaan 40 milyan oo Dollar, dowladdana  ay bixin doontaa 10% oo dhiganta 4 milyan oo Dollar, taasi lagu cadeeyey miisaaniyadda dowladda 2021-ka, waxaana loo qoondeeyey lacagaas in lagu fududeeyo arrimaha doorashooyinka dalka.

“Ma jiri doonto lacag aan intaas ahayn in loo istcimaalo doorashada, mana dhici karto, wasiirku xitaa qasnadda dawladda lacag kama saari karo hannaanka maaliyadeed baa diidaya” ayuu yiri wasiir Beyle,

Goobjoog News