U bood dhigaalka

Wasiir Beyle oo Ka Qeyb Galay Shirka Hormarinta Maaliyadda Dalka

Sheeko:Amniga

Wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Dr Cabdirxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta ka qeyb galay shirka loogu magac daray hormarinta maaliyadda dalka, kaas oo sedex geesood ahaa.

Shirka oo ku qabsoomay habka la iska arko ee maqalka iyo muuqaalka Internetka ayaa waxaa ka qeyb galay hey’adda lacagta addunka IMF iyo Word Bankiga.

Wasiir Bayle ayaa sheegay in kulanka  ay uga wadahadleen waxyaabahii usoo qabsoomay dowladda dhinaca dib-u-habeynta maaliyadda dalka.

“Waxa aan maanta shir Gudoomiyay kulankii billaha ahaa ee #FGC oo aan uga hadalnay horumarka Maaliyadda iyo waxii inooga qabsoomay dib-u-habeynta Maaliyadda” ayuu yiri wasiir Beyle.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa waxa uga mahadceliyay hay’adaha dhaqaalaha aduudka ee shirka qeyb galay sida IMF iyo World Bank sida ay ugarab taaganyihiin dowladda Soomaaliyeed oo haatan dib u kabasho ku jirto.

Goobjoog News