U bood dhigaalka

Wasiir Beyle Oo Sheegay Iney La Dagaallami Doonaan Musuqa

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ay la dagaallami doonaan musuqa, islamarkaana ay ka qeybqaadan doonaan dagaalka ka dhanka ah ee Musuqa.

Waxa uu sheegay wasiirka in shaqada wasaaradda ay u gudan doonaan sidii loogu talogalay, islamarkaana isla xisaabtanka uu ka bilaaban doono shaqaalaha wasaaradda.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay wasiir Bayle in aysan jiri doonin shaqaale aan shaqeyn saacadihii loogu talo galay ama uljeed la’aan shaqadiisa uga maqnaado.

“Waxaan ballanqaadeynaa inaan dagaalka (Musuqa) idiinla galeyno, waxaan ku balanqaadeynaa inaan soo shaqi doonno waqtigii loo baahnaa oo aan annaga gudaheenna is xisaabin doonno, inaan wax soo saari doonno, rawixi doonno waqtigii loo baahnaa, waxaan u baahannahay inaan ku filnaano waxa maalinta loo baahan yahay” ayuu yiri wasiirka.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa horey u sheegay in xukuumaddiisa ay xoogga saari doonto la dagaalanka Musuqa.

Goobjoog News