U bood dhigaalka

Wasiir Daahir Cabdi “Koonfur Galbeed Way U Qalantaa Hanashada Tartanka Maamul Goboleedyada Iyo Gobolka Banaadir”

Sheeko:Cayaaraha

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Tamarta Iyo Biyaha Dowladda Soomaaliya Daahir Cabdi Cabdullahi (Dr.Go) sidoo kalane ah Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay qaab ciayareed wanaagsan ay soo bandhigeen xidigaha kooxda Koonfur Galbeed ee ka qeyb galaya tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

“Runtii ciyaartooyda waxa ay muujiyeen da’daal sare,waxayna soo bandhigeen ciyaar aad u saraysa,waxaa ka qeyb gali doonaan dhamaan kulamada ay kooxda Koonfur Galbeed ku ciyaarayso Magaalada Muqdisho” ayuu Goobjoog Sport u sheegay Daahir Cabdi Cabdullahi (Dr.Go) oo ah Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Tamarta Iyo Biyaha Dowladda Soomaaliya.

Sidoo Kale Aqriso Warbixino Kale Oo Dheeri Ah

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/madaxweyne-lafta-gareen-oo-hambalyo-u-diray-ciyaartooyda-koonfur-galbeed/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle