U bood dhigaalka

Wasiir Diini: Haddii Aadan Is Difaacin Cid Ku Difaaceysa Maleh

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa ka hadlay ciidamada Itoobiye ee dhowaan ka baxay deegaanno ka mid ah gobollada dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in dowlad walbo ay danaheeda iyada ogtahay, balse loo baahan yahay haddii muddo lagu caawiyey in aad isku tashato.

Wuxuu sheegay wasiirka dowladda in Itoobiya ay iyadu danaheeda ogtahay, islamarkaana ciidankeeda ay dalka u joogeen iney Soomaaliya caawiyaan.

“Dal walbo siyaasaddiisa isagaa leh, dal dal kale siyaasaddiisa ama go’aankiisa farogelin kara maleh, marka dowladda Itoobiya iyadaa danaheedaka aragtay, dowlad walbana iyadaa danaheeda kaa og kuumana sheegeysa, haddii lagu caawiyo adaa lagaa rabaa in mudadii lagu caawineyay aad shacab ahaan iyo dowlad ahaan u diyaar garowdo, oo aadan cidna isku haleyn, waan garan karaa dhibaatada shacabka ay kala kulmayaan dadka nabad diidka ah, waxaanse dadka u sheegayaa in haddii adiga aadan is difaacin in cid kale oo ku difaaci karto ma jiro, shacab ahaan iyo deegaan ahaan waxaa loo baahan yahay inaad isku difaacdaan” ayuu yiri wasiir Diini.

Ciidamada Itoobiya ayaa ka baxay deegaanno badan oo gobollada dalka ah, sida Bakool iyo Hiiraan, waxaana meelaha ay ciidankaan ka baxeen la wareegay ciidamada Al-shabaab.

Goobjoog News