U bood dhigaalka

Wasiir Diini “Wey Bad Qabaan Dhagxaantii Cadeynta u Ahaa Xuduudka Soomaaliya Iyo Kenya”

Sheeko:Dalka

Wasiirka gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini oo hogaaminayay guddi xaqiiqo raadin ah oo ka tirsan Labada gole ee dowladda Soomaaliya ayaa sharxaad ka bixiyay wax ay kusoo arkeen xuduuda aan rasmiga ahayn ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Waxa uu sheegay in ay soo arkeen calaamadihii dhagxaanta ahaa ee Gumeystuhu ku xadeeyeen Labada dal inay bad qabaan, kuwaasi oo maalmihii ugu dambeeyay la sheegayay in Kenya ay siibayeen.

Wasiirka waxa uu sidoo kale sheegay in aanay jirin darbi ka dhisan xadka Labada dal, balse ay arkeen godweyn oo qodan, kaas oo dhanka Kenya ka qodan.

“Waxaan soo eegnay Guudkii (Dhagaxii) calaamadda xuduuda, uma muuqan mid la siibay, waxaan aragnay god ka qodan 6 tallaabo ka dib dhanka Kenya ah, waxaan kaloo aragnay meel wado dhanka xadka usoo jeeda ah oo Katarabiil lasoo mariyay, waxaan kaloo xaqiijinaynaa in aanan arag darbi ka dhisan xadka ha ahaato dhanka Soomaaliya ama Kenya, waxaan kaloo wareysannay illaa Ceel-waaq dadkii joogay oo aan ka xaqiijinnay in wax yeelo loo geystay calaamadihii kale balse waxay inoo sheegeen in dhammaan ay badqabaan” ayuu yiri Wasiir Diini.

Dowladda Kenya ayaa 4-tii bishaan billawday qodista godweyn oo ay sheegeen in darbi ku dhisayaan, waxyeelaynta calaamadihii kala qeybinayay xuduudda aan rasmiga ahayn ee Labada, hase yeeshee dowladda Soomaaliya ayaa arrinkaasi degdeg uga hadashay, iyadoo halkaasi loo diray guddi xaqiiqo raadin ah oo ka kooban Labada gole ee dowladda Soomaaliya.

Goobjoog News